|

Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland oo hoos u dhac ku yimi,maxay tahay sababtu?

Jabuuti Feb 15,2012(qurbejoog.com)-Cilaaqaadka Jabuuti iyo Somaliland ayaa waxa soo wejahay caqabad loo caal la’yahay intii ka danbeysay wareysi uu madaxweynaha Jabuuti dhawr bilood ka hor siiyay jariirad Faransiiska ka soo baxda oo uu ku sheegay in Somaliland ay ku degdegtay ku dhawaaqida gooni isu taaga.

Safar uu dhawaan ku tegay madaxweynaha Somaliland dalka Jabuuti ayaa qaatay saacado uun ka dib kolkii madaxweynaha Jabuuti uu ku adkeystay in aanu fulineyn codsiyo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u jeediyay oo horena looga heshiiyay.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in Ismaaciil Cumar Geelle Somaliland gacan ka siiyo xidhiidh Somaliland ay la sameyso dalalka Carabta iyo Africa,in xafiis Somaliland ay ka furato Jabuti iyo in Baasaboorka Somaliland lagu tegi karo Jabuuti.

Safarkii u danbeeyay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tegay Jabuuti ayaa ahaa mid meqaamka lagu soo dhaweeyay uu ahaa mid aad u hooseeya ka dib kolkii aan xitaa loo dirin ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo ay soo gelbiyeen ciidamada Booliska.

Madaxweynaha Jabuuti oo dunida u muujiya in uu culeys siyaasadeed geeska Africa ku leeyahay ayaa ku hungoobay in Somaliland uu ku qanciyo in ay gorgortan la gashao Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata in ay iminka garwaaqsatay in madaxweynaha Jabuuti aanu maraba ka noqoneyn goaankiisa lidiga ku ah Somaliland,waxaana kolkii u horeysay la hadal hayaan xidhiidh dhex mara mucaaridka Jabuuti iyo Somaliland.

Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed