Hogaamiyaha isbeheysiga Horumarka iyo dimuqraadiyada Jabuuti Xuseen Candhoole oo baaq isu soo baxa u jeediyay shacabka Jabuuti(DAAWO)
Ottawa Feb 15,2012(qurbejoog.com)-Hogaamiyaha Isbeheysiga Horumarka iyo Dimuqraadiyada ee dalka Jabuuti Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole ayaa maanta baaq uu soo saaray ku booriyay mujtamaca reer Jabuuti in ay gudo iyo dibedba si wada jira ugu soo baxaan.
Isu soo baxan uu mudanuhu ku baaqay oo lagu weyneynayo maalintii sanad ka hor February 18 ay shacabka Jabuuti dhigeen banaabax aan noociisa hore loo arag.
Mucaaridka iyo shacabka Jabuuti ayaa qorsheynaya in February 18 2012 ay mar kale dhigaan isu soobax balaadhan oo lagu muujinayo shucuurtooda ku wejahan sida ay xukuumadoodu dalka u maamuleyso.
Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com