|

Shacab ku dhaawacmay Qarixii Hotel Muna oo Turkiga loo qaaday

Muqdisho Feb15,2012(qurbejoog.com)-Dad shacab ahaa ku waxyeelo ka soo gaadhay qarax dhawaan kooxda Al Shabaab la beegsatay Hotel Muna ayaa loo qaaday dalka Turkey ka dib kolkii xaaladooda caafimaad wax looga qaban kari waayay dalka.

Dadkan Shacabka ah ee qarax wax ku noqday oo tiradoodu tahay 16 ruux ayaa lagu qaaday duyuurad nuuca caafimaadka ah oo ciidamada dalka Turkey leeyahay.

Sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay safiirka Turkey u jooga Muqdisho Cemallettin Kani Torum oo sheegay in dalkiisu gacan siinayo shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa ilaa haatan ah dalka mucaawinada ugu balaadhan soo gaadhsiiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan dalka guddihiisa.

Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed