Xoghayaha Jaamacada Carbta oo mar kale ku baaqay in la joojiyo colaada Syria
Qahira Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Xoghayaha Jaamacada Carabta Mr. Nabiil AL-Carabi ayaa maanta mar kale ku baaqay in dilka iyo rabshadaha ka socda dalka Suuriya si rasmi ah loo joojiyo , isagoo ku tilmaamay in at tahay burbur aan mujtamaca caalamka iyo umadaha carabtu u dulqaadan Karin .
Mr. Nabiil Al-Carabi waxa uu intaasi ku daray in qararkii u dembeeyey ee jaamacada Carabtu soo saartay uu ka mid ahaa qodobka ugu muhiimsani ,in si bilaa shuruurd ah loo joojiyo dagaalada ka socda dalkaasi Suuriya , oo ay maalin kasta ku dhimanayaan dad badan oo shicib ah , oo aan waxba galabsan .
Geesta kale , xukuumada Shiinaha ayaa iyana ugu baaqday dawlada Suuriya iyo mucaaridka dalkaasi in ay aayahooda , iyagu ka tashadaan kana digtoonadaan in dagaal sokeeye oo lagu hoobto dalkaasi ka dhaco, iyadoo cadeysay in faro galin dibadeed oo lagu sameeyo dalkaasi ay ka soo horjeedaan.
Baaqyadan xoghayaha jaamacada carabta iyo dawlada Shiinaha ka soo yeedhay waxa uu ka dembeya markii xalay xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanku Miss. Helari Killinton ku dhawaaqday in Madaxweyne Bashaar Al-Asad xilka madaxtinimo si nabad galyo ah u wareejiyo , si dilka iyo xasuuqa dadka shicibka ahi u joogsadaan.