|

Cabdiraxmaan Bore oo reer Jabuuti ugu baaqay in isu soobaxa 18ka Bishan laga qeybgalo(DAAWO)

Paris Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Siyaasiga hore u shaaciyay in uu u taagan yahay tartanka madaxweynenimo ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa fariin muqaala oo uu shaaciyay waxa uu uga waramay xaaladihii u danbeeyay ee dalkaaas.

Cabdiraxmaan Bore oo hore loogu yiqiinay Ganacsiga ayaa ku booriyay reer Jabuuti in aney xukuumada haatan jirta khaasatan Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle laga ogolaan dhibta uu dalkaas ku hayo.

Mr Bore oo Jabuuti isaga tegay ka dib kolkii xukuumada Jabuuti ay ku eedeysay in aanu hantidiisa canshuur ka bixin ayaa waxa uu dhakiisa si qoto dheer uga warbixiyay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Saaxiibkii Geelle.

Mr Bore waxa uu ugu baaqay reer Jabuuti in ay si weyn u soo baxaan 18ka bishan oo loo qondeeyay in Jabuuti laga dhigo banaabax balaadhan oo la mid ah kii sanadkii hore xiligaa oo kale la dhigay.

Qurbejoog-Paris
contact2@somalidiasporanews.com

Comments are closed