Kulamo lagu waday in Cali Khaliif uu la yeesho Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Norway oo baaqday
Oslo Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Reysul wasaarihii hore ee dawladii Carta Md Cali Khaliif Galeyd ayaa lagu waday todobaadkan in uu kulamo la qaato saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda e dalka Norway.
Kulamadaa ayaa lagu waday in labada dhan ay uga wada hadlaan arrimo la xidhiidha sidii dawladaasi gacan uga geysan laheyd mashaariic horumarineed oo laga fulliyo degaanada dhawaanta looga dhawaaqay maamulka Khaatumo.
Sida ay somalidiasporanews u xaqiijiyeen ashqaas ku dhawdhaw wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Norway kulamadaasi ma ay noqon qaar qabsooma.
Sababaha baajiyay kulamadan ayaan cadeyn iyada oo ila wareedyadu ku gaabsadeen uun in xaalada colaadeed ee dalkii ka jira ay sababaha ka mid tahay.
Md Cali Khaliif Galeydh oo taageereyaasha maamulka Khaatumo kula hadlay Norway ayaa si cadho ka muuqato u dhaliilay madaxda Somaliland isla markaana ka hadlay waxyaabaha uu kala kulmo xubnaha beesha caalamka oo suaalo ka weydiiya xiisada ka dhalatay maamulkan cusub.
Dawlada Norway ka mid ah dalalka sida tooska gacanta ugu geliya dawlada Somaliland hantida lagu fulinayo mashaariicda horumarineed ee dawladaasi maalgeliso.
Qurbejoog-Oslo
contact@somalidiasporanews.com