Ruushka oo il gaadha ku eegaya baaqa Jaamacada Carabta ee ku wejahan Syria
Moscow Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Ruushka ayaa sheegay inay dersayaan hindisaha ay soo jeediyeen jaamacadda carabtu, kaasi oo dhigaya in ciidamo isku dhaf ah oo nabad ilaalin ah qaramada midawday u dirto waddanka Suuriya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrove, ayaa sheegay marka hore in loo baahan yaahay xabad joojin la sameeyo, ka hor in aan wax howl nabad ilaalin ah lagu dhaqaaqin.
Axadii ayuu ururka jaamacadda carabtu uu ku baaqay golaha amaanku inuu soo saaro qaraar cusub oo salka ku haya xabad joojin deg deg ah oo laga hirgaliyo waddanka Suuriya, isla markaana dalkaasi la dhigo ciidamo nabad ilaalin ah.
Geesta kale, xukuumadda Suuriya ayaa ku tilmaamtay qaraarkaasi ka soo baxay jaamacadda carabta inuu yahay faro-galin cad oo ka dhan ah madaxbanaanideeda qaranimo.
Dhinaca kale, kooxaha u dooda xuquuqda dadka ayaa sheegay ciidamada xukuumadda Suuriya inay sii wadaan duqeyntii cuslayd ee ay ku hayaan magaalada Xumis.
Qurbejoog-Moscow