Reer Yurub oo u riyaaqay goaanka Baarlamaanka Giriiga
Athens Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Midawga Yurub ayaa soo dhaweeyey talaabada uu baarlamaanka Giriigu uu ku ansixiyey qorshayaasha cusub ee dhinaca gunti giijiska xaga dhaqaalaha ah.
Xukuumadda Griiga ayaa laga doonayaa inay hirgaliso dib u habayn wayn oo xagga dhaqaalaha ah, waxaana talaabooyinkaasi ka mid ah in la jaro shaqooyin badan isla markaana hoos loo dhigo kharashka ku baxa mushaharooyinka.
Talaabooyinkaasi gunti giijiska dhinaca dhaqaalaha ah ayaa dhaliyey dibad baxyo waaweyn oo ka dhaca waddankaasi Giriiga, kuwaasi oo lagu diidan yahay qorshahaasi lagu xakamaynaayo lacagta ay isticmaasho xukuumaddu.
Guryo ku yaala magaalada Atanis, ayaa la gubay, waxaanay boolisku sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaaleen dadka isku soo baxyada dhigaayey, Giriiga ayaa doonaya inuu helo aduun gadhaya 130 bilyan oo Yuuro.
Geestakale, arrintani waxay war wanaagsan u noqotay suuqyada saylahada ganacsiga o sare u kacay.