|

Guddoomiyaha Xuquuql Insaanka Somaliland oo xukuumada ku taageeray ka qeybgalka Shirka London

Hargeysa Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Gudoomiyaha Isbahaysiga Xuquuqul iinsaanka Saleebaan Xuquuq oo shir jaraa’id maanta ku qabtay huteelka imperial ee caasimada hargaysa ayaa sheegay in isbahaysigoodu ay taageersan yhiin ka qayb galka xukuumada ee shirka dabayaqaada bishan lagu qaban doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska .

Waxa uu Gudoomiyahan isbahaysiga xuquuqul iinsaanku sheegay inay horeba u soo jeediyeen in Xukuumadu bedesho siyaasadeedii hore ee arrimaha dibada ee ku aadan dhaqdhaqaaqyada taabanaya xaalada mandaqada ay Somaliland ku taalo .

Waxa uu gudoomiyuhu dhaliil u soo jeediyay shakhsiyaadka tafsiirka khaldan ka bixiyay  shirkan ay wado dawlada ingiriisku marti gelinayso oo uu ku tilmaamay kuwo aan fahamsanayn ajandaha shirkan oo noqonaya fursad taariikhi ah oo Somaliland ay garnaqsigeeda ka jeedinayso isla markaana ay kor u qaadayso maqaamkii ay markii hore taagnayd marka loo eego ayuu yidhi dalalka lagu soo casuumay.

Saleebaan Xuquuqa waxaa kale oo uu ka hadlay shaqaaqooyinkii ka soo cusboonaaday deegaanka Buuhoodle waxaanu ugu u soo jeediyay bulshada jiidaasi ku nool inay gogosha nabada qaataan, waxaa kale oo uu xukuumada ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato cid kastoo ka hor timaada nabadgalyadda iyo dhismaha qaranimada Jamhuuriyada Somaliland .

Waxaa dhinaca kale Gudoomiyahani isagoo ku hadlaya afka isbahaysiga ururada xuquuqul iinsaanka uu soo dhaweeyay dacwada loo haysto cali samatar eek u wajahan dhagarihii uu ka galay shacbiga Somaliland xiligii uu rajiimkii siyaad bare ku amar ku taaglaynayay ummada somalilad

 Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed