|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Iyo Jabuuti oo Mansoor ku qaabilay hayad Dawooyinka soo saarta oo Britain laga leeyahay

Hargeysa Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Agaasimaha Guud ee wasaaadda caafimaadka Jsland Mr,Axmed Cabdi Nuur, ayaa maanta ka qayb-galay kulan loo qabtay shirkadda Daawooyinka soo saarta ee G.S.K, ee dalka Ingiriiska, taasi oo ah shirkadda labaad ee shirkadaha  soo saara daawooyinka  dalka Ingiriiska, keeni doonta daawooyinka  dalka Somaliland , kulan-kaasi oo lagu  qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhammaan shirkadaha wadaniga ah ee daawooyinka soo waarida iyo gudoomiyaha guddiga siyaasadda dawooyinka ee wasaaradda caafimaadka,Wakiilka shirkadda G.S.K. ee Somaliland iyo Jabuuti, waxa ugu horayn ka hadlay  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka,waxaanuu xusay  in  ay soo dhoweynayaan  cid kasta oo dawooyin  tayo leh dalka keenaysa, sidaasi darteedna waxaan soo dhoweynaynaa shirkada  G.S.K.  waxaanuu agaasimaha guud  sheegay in ay   uga mahad naqayaan Dr, Siciid oo ah  wakiilka Shirkadda, isla markaasina ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jabuuti sida wanaagsan ee uu shariikadda ugu soo xidhay dalka.

Waxa jake oo isna halkaasi ka hadlay  Gudoomiyaha gudiga siyaasadda daawooyinka  wasaaradda caafimaadka Mr,Axmed cabdi  Jaamac, waxaanuu sharax ka bixiyey howsha  ay iyagu guddi ahaan qaabilsan yihiin isaga oo xusay in  gaadh-layns daawooyinka ku wajahan oo uu qoray faafiyeena ay  wada shaqayn la’aani kaga timid  wasaaradaha  qaarkood, taasi oo daawooyinka aad tidhaahdo yaan la soo daynin   ogolaansho la’aan, ay dhacdo in  wiilka kastamka joogaa is-ka so daayo,taasina ay wiiqid  ku keentay howshooda ,waxaanuu intaa raaciyey in ay arintaasi ka  wada shaqayn doonaan.

Waxaanuu ku baaqay  in wada jir aynu uga wada hawl galo dadkeenana aynu ka ilaalino  wixii caafimaad darro ku keenayo.Waxa isna halkaasi ka hadlay wakiilka  shariikadda G.S.K.  Dr, Siciid cumar,waxaanuu  sheegay in shirkadan uu  wakiil uga yahay Djabuuti  haatana aanu wada galay  ayuu yidhi in Somaliland  iyana aanu xidhiidh  ku yeelano.sdaasi darteed ayaan u keenay halkan Raggii  Ka masuulka ahaa Gobolka  Bariga afrika halkan keeno.

Waxa kale oo Dr, siciid  sharax  ka bixiyey faa’iidooyinka daawooyinka iyo muhimadda ay leedahay in muhimada la saaro ilaalinteeda.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed