|

Niger oo ka soo jawaabtay dalabkii Liibiya ee ku wejahnaa ina Qadaafi

Niamey Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Dalka Niger ayaa caddeeyey inaanay u dhiibi doonin waqtigan xaadirka ah maamulka ku meel gaadhka ah ee ka taliya dalka Liibiya Mr, Saacidi Qadaafi oo uu dhalay hogaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya kaasi oo hadda jooga dalka Niger.

Masuuliyiinta dalka Niger waxa ay sheegeen in aan waqtigan loo dhiibi Karin maamulka Liibiya wiilka ina qadaafi , iyada oo la cabsi qabo in xad gudub gaadhsiisan in la dilo uu la kulmi karo amaba aanu waqtigan xaadirka ah maxkamad cadaalad inuu halkaa ku helayaa aanay muuqan.

Af-hayeen u hadlay madaxweynaha Niger Maaro Amaado oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Nayjar moqifkeedu uu sidiisii yahay oo aanay ku wareejin doonin Saacidi qadaafi maamulka liibiya, waxaanaan ku wareejin doonaa ayuu yidhi xukuumad Leh gar-soor caadil ah ama dhexe , taasina way iska caday inaanay waqtigan jirin dalka Liibiya.

Mr, Saacidi qadaafi oo waraysi siiyey telefishanka Al-carabiya ayaa waxa uu sheegay in uu kacdoon ka dhan ah maamulka ka taliya Liibiya uu bilaabi doono, waxaanuu Saacidi Qadaafi intaa raaciyey inuu haatanba xidhiidh ku leeyahay Gudaha golaha ku meel gaadhka ah ee dalka Liibiya Xukumada marku doonana Liibiyauu geli karo.

Mr. Saacdi al-qadaafi waxa uu intaa ku daray in kacdoonku aanu noqon doono mida wada saameeya dhammaan dhulka jamaahiiriyada Liibiya ee aanu meel keliya ku koobnaan doonin.waxaanuu xusay inuu hadadanba kacdoonku bilowday.

Masuuliyiinta Liibiya ayaa iyana waxa ay wer wer iyo cabsi ka muujiyeen taageerayaasha Qadaafi kacdoono inay bilaabaan uu hogaaminayo saacidi Qadaafi. Taasi darted Masuuliyiinta Liibiya ayaa waxay ka dalbadeen Dalka Niger in ay u soo gacan geliyaan Saacidi Qadaafi.taasi oo ay masuuliyiinta nayjarna sheegeen inaanay waqti xaadirkan u gacan gelin doonin Daacidi Qadaafi maamulka Liibiya.

Qurbejoog-Niamey

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed