|

Ruushka oo qalalaasaha Syria ku eedeeyay reer Galbeedka

Moscow Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Afhayeen  u hadlay  maanta  wasaaradda  arrimaha  dibadda ee dalka  Ruushka   ayaa  ku eedeeyey  in maamulka  Maraykanka  iyo  dawladaha  midawga  Yurub  ka dembeeyaan  rabshadaha  iyo dagaalada ka socda  dalka  Suuriya.

Afhayeenkani  waxa  uu si  cad  u sheegay in Maraykanka  iyo dawladaha  Midawga  Yurub  ay  hubaynayaan  kooxaha  mucaaridka   ee dalka  Suuriya, iyagoo  furay  xarumo  lagu  tababaro  mucaaridka   dalka  Turkiga, iyadoo  kharashka  ku  baxana  ay  bixiyaan  dawladhaa  Khaliijka  carabta.

Afhayeenkani waxa uu intaasi ku daray in golaha amaanku  aanuu  ogoleyn  faro galin  Military   oo lagu  sameeyo  dalka  Suuriya  iyo  in la hubeeyo  macaaridka  dalkaasi,  taasoo  keeni doonto  khasaare  badan iyo  burbur  ku habsada   gabi ahaanba dalka  Suuriya.

Dhinaca kale  afhayeenku  waxa u ugu  baaqay umadda reer  Suuriya  in aanay  wanaag  u  wadin  waddamada  reer  galbeedku  ee ay dan  u tahay   iyaga  inay  ka tashadaan  wada  hadal  lagu  xaliyo  mashaakilada.

Qurbejoog-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed