|

William Hague:waxaa soo dhaweyneynaa ka soo qaybgalka madaxweynaha Somaliland,Si ay Somaliland ugu soo gudbiso waayo aragnimadeeda dhismaha nabadeyta gobalka

London Feb 11,2012(qurbejoog.com)-Aqalka golaha wakiilada ee wadanka Britan ayaa dood ka yeeshey bishan 9keedii. Shirkan la filayo in 23ka bishan uu ka furmo London, shirkan oo sida lala wada wada socdo loo qabanayo qadiyada cakiran ee wadakanka Somalia.

Wasiirka arimaha dibada ee Brintan Mr William Hague ayaa warbixin ku siinayey qaar ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka ee wadankissa qaabka shirka loo soo bandhigayo isagoo faahfaahin ka bixiyey sida loo qaban doono shirka , waxayaabaha la filayo iney ka soo baxaan iyo waliba dowladaha la filayo iney ka soo qayb galaan .

Hadaba arinta ugu xiisaha badan ee in dhaweyda doodu ka taagneyd ayaa aheyd ka qaybgalka shirka ee Somaliland. Wasiirka Mr William Hague oo ayaa waxa uu xubnaha baarlamaanka u sheegey oo hadalkiisa ka mid ahaa

“waxaa soo dhaweyneynaa ka soo qaybgalka madaxweynaha Somaliland, .

Si ay Somaliland ugu soo gudbiso waayo aragnimadeeda dhismaha nabadeyta gobalka”

Daawo video doodka Somalia ee baarlamaanka uk

Ka bilow 2:40 minut

http://www.parliamentlive.tv/Main/Player.aspx?meetingId=9995

Mohamed Haji Ahemd Mohamud (Guray Xaaji October)

Ottawa,Canada

Comments are closed