Argentine oo eed u jeedisay Britain
Buenos Aires Feb 11,2012(qurbejoog.com)-wasiirka arimaha dibada ee dalka arjantiin Mr.Hiktor Tambar Man,ayaa maanta ku eedeeyey, in Xukuumada Ingiriisku Dagaal ka aloosayso,Jasiiradaha Foklaan,iydoo halkaasi halkaasi keentay ciidamo fara badan iyo Maraakiib dagaal oo wata Hubka Nuckliyeerka.
Waxaana Xukuumada Arjantiin Todobaadkan,u gudbisay Jimciyada Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Xukuumada Dalka Ingriiska,oo ku saabsan jasiirada Foklaan oo ay sheegato, Dawlada Arjantiin in ay ka midtahay dalwaynaha Arjantjiin, haseyeeshee ay dawlada Ingriisku Xoog ku haysato.
Dhinaca kale wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Ingiriiska u Fadhiya Mr.Maak, waxaa uu ku tilmaamay Dacwadaha dalka Arjantiin wado mid Raqiis ah oo aanay waxba ka jirin.
Waxaase jirtay in labada dawladood dagaal ku dhex maray Sanadkii Laba iyo Sideetankii,wakhtigaas oo xoog lagaga saaray Ciidamo Arjantiniyiin ah oo Gasiiradaasi Qabsaday.
Qurbejoog Buenos Aires