|

Sucuudiga oo wada qorida qaraar ka dhan ah xukuumada Syria

Riyad Feb 11,2012(qurbejoog.com)-

Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa maanta Diyaarinaysa Mashruuc qaraar ah oo ay u soo bandhigayso Jimciyada Qaramada Midoobay kaasi oo ku saabsan sidii xaalada cakiran ee dalka Suuriya loo dejin lahaa.

Waxana Mashruuca qaraarkani yahay kii todobaadkii hore wakiilada labada dawladood ee Ruushka iyo Shiinaha ku laaleen diidmada Qayaxan ee fiitaha,haseyeeshee fadhigan Qaramada Midoobay Ma jirto Dawlad leh awooda qayaxan ee Fiitaha,oo ku horjoogsan karaan qaraar kasta oo la soo bandhigo,taas oo la filayo wakiilada dawladaha aduunku in ay ka doodaan Maalinta isniinta ee soo socota.

Mashruuca qaraarkani waxa ka mid ah in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Qaranka Suuriya iyo xoogaga Mucaaradka ah ay si rasmi ah u joojiyaan,iyo in Madaxweyne Bashar Alasad Xilka Ku wareejiyo Ku xigeenkiisa,si dalkaasi loogu horseedo Doorasho Dimiqraadi ah.

Qurbejoog-Riyad

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed