Naadiga Xuquuqul Insaanka Jabuuti iyo Guddida Xeer-beegtida Dunida oo wada Jir u dalbaday siideynta shaqsiyaad u xidhan xukuumada Jabuuti
Jabuuti Feb 11,2012(qurbejoog.com)-Naadiga Xuquuql Insaanka Jabuuti (LDDH) iyo Guddida Xeerbeegtida Caalemiga ah ee (ICJ) ayaa wada jir u saarar baaq ay ugu jeedinayaan Xukuumada Jabuuti in ay ku sii deyso shaqsiyad uu ka mid yahay xaakim Suleymaan,rag u ololeeya xuquuqda adanaha iyo Suxuufiyiin dhawaan xabsiga loo taxaabay.
Guddida (ICJ) ayaa xusay in Xaakim Suleymaan lagu xadgudbay xuquuqdiisii intii uu ku jiray gacanta Xukuumada Jabuuti oo ku soo oogtaydenbiyo la malo awaalay.
ICJ iyo LDDH ayaa baaqooda ku sheegay in Xaakim aan sidiisaba lagu soo oogi karin denbiyo siyaasadeed marka la eego shuruucda caalemiga ah iyo Dastuurka Jabuuti.
Xaakim Suleymaan ayaa loo hayaa in uu xabsiga ka sii daayay shaqsiyaad ay ka mid ahaayeen ardey jaamacadaha ku jirta oo gadood sameysay.
ICJ iyo LDDH waxa ay sidoo kale ka deyriyeen xadgudubyada biniaadamnimada ka dhanka ah ee loo geystay wariye Suleymaan Faarax Xuseen oo isna ay ciidamada amnigu qabteen.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com