Maxey tahay sababta Shabaabku haatan ugu biireen Al Qaacida?
Muqdisho Feb 11,2012(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay aheyd Shaacisay in ay ku biireen kooxada Al Qaacida ee dunida oo idili dagaalka kula jirto.
Madaxa Al Qacida Ayman Al Sawahiri ayaa dhankiisa sheegay in ay soo dhaweeynayaan isla markaana ay Shabaabka ka aqbaleen in ay la midoo baan.
Dhawr siyaabood oo kal duwan ayaa loo arkay in kooxda Al Shabaab ay xiligan ku biirto Shabaabka,iyada oo geesta kalena ay Al Qaacida aqbashay.
Xeeldheereyaasha qaar ayaa qaba in tilaabadani ay xanbaarsansan tahay dhawr arimood is dul yaal,ta koowaad waa iyada oo Shabaabku ay haatan marayaan xaaladii awoodeed ee u liidatay oo caasimadii Soomaaliya laga saaray.
Ta kalena waa iyada oo haatan ay dunidu u soo jeesatay xal u helida arrimaha mudada murugsanaa ee Soomaalida isla markana ay dawlada Britain dhawaan Soomaalida u qabaneyso shir.
Waxa iyana si weyn beryahan danbe la hadal hayay sidii Shabaabka looga qeybgelin lahaa hanaanka dib u heshiisiineyd ee Soomaalida.
Talaabadan Shabaabku ugu biireen ayaa u muuqata mid looga horjoogsanayo shakhsiyaadka ay dhici karto in ay aqbalaan ka qeybgalka nidaamka siyaasadeed ee caalamku Soomaalida u dhiseyso.
Al Qaacida ayaa qudheeda intii ka danbeysay dilkii Osama Bin Ladin iska ahaa uun magac u yaal.isla markaana aaney aqbalaadooda Shabaabka waxba ka dhigneyn.
Maalmaha soo socdana waxaa la fili karaa in Shabaabku ku kala qeybsamaan hadalkan u muuqda in uu ka soo yeedhay ashqaasta Ajaanibka ah iyo kuwa aan heysan fursad ay dib isaga taagaan mowqifkooda.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com