Wasaarada Qorsheynta Somaliland oo sanduuq maaliyadeed u sameysay mashaariicda deeq bixiyeyaashu Somaliland ka fulinayaan
Hargeysa Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr.Sacad Xaaji Cali Shire ayaa maanta kulan lagu abuurayay sanduuqa caalamiga ah ee Horumarinta Somaliland kaas oo loogu talo galay in la soo mariyo mashaariicda horumarineed ee ay qaadhaan bixiyayaashu ka fulinayaan somaliland.
Waxaa kale oo kulankaas ka qayb qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta,Gudoomiyeyaasha gobolada, iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socday hay’adaha wadaniga ah ee madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Xaaji Cali Shire oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in sanduuqan horumarinta ujeedada laga leeyahay ay ku qotonto in lagu dabaqo qorshayaasha Shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland isla markaana lagu soo shubi doono dhaqaalaha ay beesha caalamku u qoondaysay in laga fuliyo Somaliland .
Khabiir ka socday urur samofal oo ingiriis ah oo halkaasi ka gadlay ayaa tilmaamay in Somaliland u qalanto maalgashi caalami ah marka loo eego sida ay ugu dhaqmayso xeerarka caalamiga ah ee dhinaca horumarka.
Qurbejoog-Hargeysa