|

Machadka Tababarka Shaqaalaha Somaliland oo tababar u soo gebogebeeyay 25 xubnood oo dhawr wasaaradood ka kala socday

Hargeysa Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Agaasimaha Guud ee Machadka tababarka Shaqaalaha dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa maanta tababar u soo gabo gabeeyay shan iyo labaatan xubnood  oo ka kala socday Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha,Xisaabaadka, Hanti dhawrka guud,Baarlamaanka, iyo dawladaha hoose.

Waxaa kulankan ujeedadiisu la xidhiidhay sidii loo fahmi lahaa sanduuqa horumarinta dawladaha hoose iyo maamul daadajinta waxaa mudadii uu socday lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada dawlada hoose ay bulshada uga mas’uulka yihiin waxaanu qayb ka ahaa mashruuca LDF kaas oo hay’adaha qaadhaan bixiyayaashu ugu talo galeen in lagu kobciyo tayada adeegyada ay dawladaha hoose qabtaan .

Agaasimaha Guud ee Machadka tababarka Shaqaalaha dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore oo hadal ka jeediyay xidhitaankii tababarkaas ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa nidaam cad oo lagu ogaado qaabka loo maamulo mashaariicda horumarinta ee laga hirgalinayo gobolada iyo degmooyinka dalka,si ay isula jaanqaadaan dawladaha hoose iyo xukuumada dhexe isagoo kula dardaarmay dhamaanba ka qayb galayaashii kulan hawleedkani in duruustii ay qaateen ay ku dabaqaan hawlahooda shaqo.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed