|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalka Dib ugu soo noqday

Hargeysa Feb 08,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “”Siilaanyo” Weftigii  uu hogaaminayay ee socdaalka ugu maqnaa wadanka aynu deriska nahay ee Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaya

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa safar gaaban oo uu ku tegay dalka Itoobiya waxa uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha Siilaanyo ayaa sidoo kale soo maray dalka Jamhuuriyada Jabuuti safar aan hore loo shaacin intii aanu maanta gaadhin Hargeysa.

Ilo wareedyo ayaa somalidiasporanews u xaqiijiyay in madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu Adis kula kulmin wefdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee dawladii Carta Md Cali Khaliif  Galeydh oo dhawaan maamul uga dhawaaqay shir beleed ka dhacay degmada Taleex.

Kulanka oo hore u qorsheysnaa ayaa isbedel ku yimi ka dib kolkii Itoobiya ay dalkeeda si degdega uga mustaafurisay Md Cali Khaliif Galeydh.

Ma cada sababta keentay tilaabada ay dawlada Itoobiya dalkeeda uga mustaafuirsayCali Khaliif.

Ma cada wax ka soo baxay wadahadalka labada dhan balse waxa muuqata in dawlada Itobiya aaney iminka diyaar u aheyn in colaadi ka abuuranto degaanada bariga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siinaalyo ayaa waxa safarkiisa ku weheliyay wasiirada arrimaha dibedda,guddaha iyo madaxtooyada.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed