|

Nin Soomaali ah oo reer Minneapolis ah oo qirtay in uu gacan siiyay dhalin Shabaabka ku biirtay

Minneapolis Feb 07,2012(qurbejoog.com)-Nin Soomaali ah oo hore maxkamadi u dhegeysaneysay dacwad lagu soo oogay oo la xidhiidhay in uu gacan siiyay dhalin Soomaali ah oo 2008dii ka tegay Minneapolis oo ku biiray Shabaabka ayaa maanta qirtay in uu denbigaa galay.

Axmed Xuseen Maxamuud oo 27 jir ah ayaa qirtay in uu dhalintaas qaar ka mid ah deeq u ururin uga sameeyay magaalada Minneapolis kiyoo Soomaalida halkaa ku noolna ka dhaadhiciyay in lacagaha ay yaboohayaan qeyb ka mida lagu dhisi doon Masjid halka hadhaagana lagu gacan qaban doono agoomo.

Balse lacagahii Soomaalida beenta loo sheegay laga ururiyay ayaa 2008dii nooli looga dhigay dhalinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka tagaty si markaa ay ugu biiraan Shabaabka.

Axmed Xuseen Maxamuud ayaa ah ruuxii todobaad ee isla denbigan qirta tan iyo intii ay bilaabatay baaritaan ay denbibaareyaasha Mareykanku dabagalka ku sameeyeen cida maalgelisay dhalinta Mareykanka laga kexeeyay.

Ugu yadhaan 21 dhalinyaro Soomaali ah ayaa Mareykanka ka tegay si ay ugu biiraan kooxda Mareykanku u aqoonsan yahay Argegixisada ee Al Shabaab.

Qurbejoog-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed