Dawlada Itoobiya oo Wefdigii Cali Khaliif uu wetay ku qancisay in ay wadahadal la galaan Somaliland,iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Adis ku fool leh
Adis Ababa Feb 05,2012,(qurbejoog.com)-Wefdi ka kooban ergedii dhawaanta maamulka Khaatumo uga dhawaaqday shirkii Taleex oo uu horkacayo Reysul wasaarihii dawladii Carta Md Cali Khaliif Galeydh ayaa kulamo ay la yeesheen madaxda dawlada Itoobiya la iskula soo qaaday waxa maamulka ay ku dhawaaqeen mandaqada ku soo kordhin karto.
Ilo wareedyo ku sugnaa kulamadii labada dhan dhex maray ayaa Somalidiasporanews.com u xaqiijiyay in dawlada Itoobiya u sheegtay wefdiga Cali Khaliif in aaney dan u arag in maamulo dhawr ah laga abuuro guddaha Somaliland.
Dawlada Itoobiya ayaa ku garnaqsatay in maamulada faraha badan ee Soomaaliya ka jira caqabad ku yihiin mandaqada sidaa awgeedna aaney diyaar iminka u aheyn in maamulo laga unko xuduudaha Somaliland.
Dawlada dalka Itoobiyaa ayaa intaa raacisay in taasi micneheeda aaney aheyn in ay beesha maamulka Khaatumo ku dhawaaqday la duudsiiyo xaqeeda.
Dawlada Itoobiya ayaa deeto soo jeedisay in wefdiga uu Md Cali Khaliif hogaaminayo iyo Somaliland lawada hadalsiiyo si markaa waan waan looga galo tabashooyinka Beesha.
Ilo wareedyadu waxa ay sheegeen in kolkii hore wefdiga uu hogaaminayo Cali Khaliif ay ku adkeysteen in Somaliland ay kula kulmayaan magaca maamulka Khaatumo balse taa ay socon weyday.
Geesta kale waxa magaalada Hargeysa xarunta Madaxtooyada ka socda diyaargarow uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu jiro safar uu ku tegayo magaalada Adis Ababa si markaa loo anbaqaado wadahadalada.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hore ugu fidiyay gogol nabadeed beelaha bariga ee wax ka tabanaya Somaliland ayaa dhankiisa la sheegay in uu aqbalay wada hadal uu la galo wefdiga Cali Khaliif uu hogaaminayo ee Adis Ababa ku sugan.
Kala soco bogan waxa ka soo kordha wadahadalka labada dhan iyo waxa ay isla qaataan.
Qurbejoog-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com