|

Reer hargeysoow Xaqa maxaad U Huwinaysan Dulimarkhaatiyada

Sheikh maxamud geele ilaahay buu idinka ashtakeeyey waar hooy xaqa raaca.

Xaqaiyo baadilka waligood dagaal baa ka dhexeeyey xaqa ayuun baana guuleysta 

Adduun iyo aakhiraba  xaqa oo la raaco waxaa laga helaa  barwaaqo .sharaf.cadaalad. sinaan .iyo inay qofka ka maydho  damaca shaqsiga ee foosha xun leh,iyo hawooyinka khayaaliga ah ,iyo danaysiga gaarka ah ,waxaana xaqu qofka ka dhigaa qof hami weyn

Dantiisa gaarka ahna waxaa uu ka hormariyaa danta guud ee islaamka iyo sharafkiis

Markuu taa guud ilaaliyo tii shaqsiga gaarka kuu ahayd way hagaagtay .daladii iyo calankii islaamka ayaad hoos hadhsanaysaa .alxamdulilaahi rabil caalamiin ilaahay na garansii

Hadaba bal aynu laba qolo u kala gar naqno Qolo xaq doon ah. Iyo Qolo baadilka qurxinaysa oocaruusad qoorta u sudhaysa

Xaqa;kuwa raacay waxay yidhaahdeen anaga allaahi na abuurtay baan u hogaansanay wixii uu nagu amar yeelanay oo dhan baan raacnay kitaabkii alle iyo sunada nabi s.a.w.

Baan qaadanay oon noloshayada oodhan aanu ku dabaqaynaa  kuwaasi asalkii bay taagan yihiin sax ahaa  waana wadadii guusha.farax.cadaalada.sinaanta.is jacaylka dhexdeena lagu helayey .barwaaqo.cadawgaaga oo kaa haybadaysta markaad sidaa alle u ictiraafto

Biniaadankaa ku ictiraafi doona .geesinimana waa laga dhex helaa xaqa oo loo hiiliyo .kuwa intaahelaa waa kuwa quraanku sheegey ee uu yidhi way faaiseen adduun iyo aakhiraba noloshoodiina alle hagaajiyey way guuleysteen  allow kuwaas hanaga reebin raacay sunadii nabi maxamed s.a.w.aamin

Qofka alle ka baqa  ee raacey sunadii nabi maxamed s.a.w.cabsi korkiisa ma ahaato adduun iyo aakhiraba alle ayaan inoogu sheegey quraankiisa waana dhab .waana darajo weyn oo alle siiyo muminiinta awliyadiisa alleh .cidna kama baqaan oon alle ahayn markay fidnooyin dhacaan iyaga iimaan baa u sii siyaada .waayo iyaga waxay arkaan halkan meel ka fiican oo ilaahay lagu raali galiyaa ma jirto oo laga yidhaa kalimada xaqa ah .waxa kastaa iyaga kheyr buu u yahay  waayo waxay udagdagaan waxa ilaahay kaga raali noqonanayo  iyagoo og tababarahoodii oo ah nabiyalaahi maxamed s.a.w.in ay uyihiin ambasadooro  calankii islaamka ayey sidaa  ooy ka ilaalinayaan mar walba uskaga iyo bidcada  ilaahayow kuwaas hanaga reebin ee na raaci

Wadadaasina waa wadaday mareen asxaabtii nabi maxamed s.a.w. gacantiisa ku soo tababaray kuwaas oo ahaa kuwii adduunka ka dhaliyey  cadaalad iyo sinaan  waxaa ka mid ahaa sifooyinkooda fiican xaq sheegid iyo u hiilid  markaas baa ilaahay  mulkiyey oo gacantooda soo geliyey mulkigii adduunka oo dhan .markaas bay yeesheen sharaf  iyo cisi  iyo karaamo binilaah  oo weedhoodii noqotay mid laga haybadaysta  oo la maqlo  amarkoodii baa fulay  oo cid walba maqashay .baadilkii baa noqday dambas la waayey waxaa ay ku gaadheen waxaas oo dhan waa kitaabkii ilaahay bay yidhaadeen naga horee oo na xukun  ooy isku dhiibeen markaas baa ilaahayna u dhiibay adduunkii oo dhan

Marka as baa kitaabkii sheekhii  si fiican u fasiray  oo yidhi dadkii ku dhaqma  waayo mid ogaada sheikh baqdina mahayso ilana xuduud waxaa ilaalina ilaahay iyo khaali dbin waliid iyo sacad bin waqaas iyo qaac qaac ilaahay dhamaantood ha u naxariistee  baa habeen iyo maalin  faraska seefta la dul taagen  markuu sheekhu og yahay taa

Sheikh iyo shacbiga iyo shillinkan idin wareeriyeyba  waa nabad cid looga baqi mayo

Baadilka. Horta  ninka diin diidka ah ee diiday alahii oonkan lahaa waxaa uu usoo dajistay in oon ka lagu xukumo diiday.ogolaadayna sharci shaydaan sameeyey iyo biniaadan aan lagaranaynin xaguu ka soo jeedo ayaan ku dhaqmayaa  oo la yidhaa

Duli.markhaatiyad ninkaasi waxaa uu raacay wadadii shaydaanka laynooga digey iyo hawadiisii  imtixaankii islaamkana waa uu ku dhacay  ninkaasi waxaa uu sharci ka dhigtay dhalanteet iyo hawo  waa nin khasaarey  bal aynu is yar dul taagno ninmanka wadaadaa raacay  hore iyo manta ilaa fircoon waxaad wada daawanayseen  kuwii ku wada dhaqmayey waxaa sharciga ilaahay waxaan ahayn in ay  duqaynayeen iyaga iyo caruurtoodii ay galafteen iyo tolkoodii dhagaha la.aa ee dulmiga ku raacay  kuwii ay shalay saaxiibada ka dhigteen ayuunbaa hada na  dilay xukunkii  ay udhiseena ka burburiyey xoolahoodiina ka qaataey  waaka saaxiibka shaydaanka aan ilaahay aqoonin

Isumana gargaaraan waxay heshiis ku yihiin xumaha iyo sida duqsiga in ay waxa xun wada dul fadhiistaan ee qadhmuun urta xun baa ka dhaxaysa  waxay isugu gargaaraan xumaha iyo xasadka iyo diinta alle oo lala dagalamo .waxaad ku arkaysaa danaysi gaar ah .xukun jacayl.

Dadkay dadka caynkaas ahi u taliyaan ka eeg  dhexdooda colaad .is qawrac .nabcaanshiiyo. jahli faqri  cadawgooda oo dulaysta ku jees jees  jahawareer.qax. nolol cidhiidhi ah intaas oo dhan baad ka dhexhelaysaa asxaabil baadil dadka ay xukumaan iyo is jaajuusid  laynaga mamnuucay  ooislaamku ku xukumay jaajuusnimada dil  qofka  ku dhaqma hawshu ma yara

Dhaqanka reer galbeedka dimiquraadiyadooda iyagaa ilaashada  john iyo bush  iyo tony

Baa ilaalinaya

Haddaad tahay maxamed iyo axmed iyocabdi adiga shaqadaadu waa in aad ilaaliso shareecada islaamka  wado khalad ah baad ka baxday waxaan ilaahay kaaga baryeynaa in aad ku soo noqotaan wadadada saxa ah  aamin

Hadaba madaxweynaha maxamed axmed  waxaad tahay nin nasiib badan ilaahay xukun buu kuu dhiibay binaadankuaba jecel yahay  ta labaad labadaada magacba waa magacyadii rasuulaka s.a.w.  bal markaa suaal adigu is way dii  ma jeceshahay nabi maxamed s.a.w.  haa hadaba matahay ambasadoor fiican ma utahay nabi maxamed s.a.w. ooxukunka alle ku siiyey ku fulinaya shareecada  hadaanaad ahayn danjire wanaagsan maxaad ilaahay iyo nabi s.a.w. la hor tagi  iley waa lagu waydiinayaa oo taasi waa dhab jirtoo shaydaan waxaas oo dhan idinka daboolay waxaa uu idinku mashquuliyey qasriga madaxtooyada iyo carbetka cas  intaad ka dhimanaysaan een xabaalaha tagaeyno  dhab baynuna suaalahaas oo dhan walaahi laynoo waydiinayaa  cimrigeenii iyo waxaan ku qabanay  alle hadduu raali ka ahaana janaad galaysaa haddii kalana naar  hadduu madaxu hagaago  luguhuna way hagaagaan oo meel fiican  bay udhaqaaqaan  ookheyr leh allana ha inagu wada hanuuniyo dhamaanteen madaxwene

GUNAANADKII

Foodkii haddaan asxaabul xaq iyo asxaabul baadil  u qaadno waxaa noo soo baxay dadka badankiisa waxay yidhaahdeen waxaan raacaynaaa asxaabta xaqa  waan ognahay ma aynu jeclin naar walaahi mumuniintuna waxay jecelyihiin dhamaan in waxaa islaam noqdoo dhan in ilaahay naar ka badbaadiyo waataas waxay naftooda halista idiinku gelinayaan inaad ka badbaadaan waybidin jecelyihiin

Waa waxaas waxa ka qaylasiiyey walaaldeen sh. Maxamed geele iyo mujaahid aar  ay inooga cabsanayaan naarta ilaahay oodhimbiisha ka soo duusha nabigu s,a,w, ku sheegey awr leg tahay  dadkeenu wax madiidana

Hadaba waxa baa inaga xun  waxaa waa in aan ogaano shacbigeena  maxaa ka si ah umadani waxay soo martay marxalada kala duwan mar isticaar gumaysanayey oo caqiidaddii ka dagaalamay waxaa u xigay shuuciyad diinba aan ogolayn  ka dib dagaal

Dadkii taasi waxay dhaxalsiisay in aan yeelana dhaqanadii islaamka oo dhan waan samaynaynaa salaadii soonkii sakadaii hadanawaxaabasi ah marka shareecada layskugu yeedho dadku dabaduu giijinayaa .waxaa aniga iisoo baxay in dadkeenu marxaladaaha ay soo mareen iimaankoodii suuxay sun lagu buufiyey markaa iimaanka inagu jira waa suuxsanyahay

Macnana ma laha iimaan aanu la soconin camal

Faaiidana malaha caqiido aankugu dhaqaajinayn mabdaad xambaarsan tahay in xaqiijiso

Waxaa markaa walaalyaal halkaa inooga soo baxaysa  ilaahay muuminta quraankiisa ayuu ku sheegey in ay yihiin kuwo isku naxariis badan markaa horta waa in kuweena iimaankoodu holcayo ay ugu qabtaan kan suuxsan oon laga tagen waayo nina walaalkii oodhaawac ah ka tagi mayo  ninkani waa dhaawac  dhakhtarku dadkuu dawaynayo kama cararo

Walaalyaal aynu isku soo wada ducayno  in ilaahay inaga kor qaado dhibaatadan walaaladeena ale noo soo wanaajiyo

1-Nabi maxamed s.a.w.ma jeceshahay;haa alleh iyosharcigiisaiyo sunadiisa ooah ta nabigeena jeclow oo halagaa helo samacnaa wa cadaynaa

2-Nabi maxamed s.a.w. hadaad jeceshahay  ummadiisa jeclow ummatul maxamed dhamaantood  mumuniita khaaliska ah

3Nabi maxamed s.a.w. hadaad jeceshahay runta sheeg waayo ninka beenta sheegaa maha umada maxamed

4-Nabi maxamed s.a.w.hadaad jeceshahay  jeclow foqorada masaakiinta agoonta  kuwa daciifka ah u gargaar ka dhiban  ugargaar oorida laga dhintay oo jeclow  waayo nabi maxamed s.a.w. baa jeclaa ooy jeclaayeen  haday kuwaasi ku jeclaadaan ilaahay baa ku jeclaaday walaahi hadaad dhab wax aad u ogaan lahaydeen xaga ilaahay masaakiinta iyo foqorada halkay ka joogaan sida aad baabuurta waaweyn aad oogala hor carartaan

siyaasiyiintiin markaad galbinaysaan sidaa si ka daran ayaad foqorada iyo masaakiinta aad iskugu layn lahaydeen aniga ayey I raacayaa iyo aniga ayey I raacayaan

5-Nabi maxamed s.a.w, waxaa uu yadhi kina idiinka caqliga badani waa ka idiinku xasuusashada badan la kulanaka malakal mawdka  oo u sii diyaar garooba wax sii shaqaysta camal fiican is ilaaliya  markaad xasuusato  dhimashada iyo wax inga danbeeya maalin walba 10 jeer waad liibaan tay hadaad ka badisa ka fiican  waayo iimaankagu wuu ku xoogaysanayaa waxyaabahaas  wanaagsan ee nabigeenii suubana inoo sheegay hadaan samayno iimaankeenu kur buu u kici  markaas baa allana ducada inaga aqbali
 

fuad.jawi

Comments are closed