War degdeg ah: Mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaan Somaliland oo wax-ka-bedel ku sameeyay sharcigii mamnuucayay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya
Hargeysa 05, Feb.2012 (Qurbejoog.com)- Mudaneyaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, ayaa ogolaaday in Somaliland ka qaybgali karto shirarka Soomaaliya.
Fadhi ay mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanku ku sheegeen xarunta golaha Wakiilada ee Hargeysa, waxay ku go’aamiyeen in wax-ka-bedel lagu sameeyo sharci ay sannadkii 2003 ansixiyeen oo mamnuucayay ka qaybgalka shirarka loo qabto kooxaha Soomaaliya.
Fadhigaas wadajirka ah oo ay ka qaybgaleen 109 mudane oo Guurtida iyo Wakiilada ka tirsani, waxa shirguddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxayna cod gacan-taag ah ku meelmariyeen in wax-ka-bedel lagu sameeyo sharcigaas, ka dib markii shalay Madaxweynuhu u soo bandhigay in xukuumaddiisu ka qaybgali doonto shirka Soomaaliya ee 23-ka bishan lagu qaban doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Sharcigan mamnuucayay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya waxay labada gole ee Baarlamaanku soosaareen 11/10/2003.
Hase yeeshee, ka dib markii mudaneyaashu fadhigoodii maanta cod ugu qaadeen in la jebiyo dabarkaa sharci, waxa cod gacan-taag ah ku ogolaaday 104, halka afar mudane diideen, guddoomiyuhuna aanu codaynin, iyadoo sidaasna lagu dhaqan-geliyay in dawladda Somaliland sharci ahaan ka qaybgali karto shirarka Soomaaliya, gaar ahaan shirka London ee dawladda Ingiriisku qabanayso, kaasoo uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Siilaanyo.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com