|

ENG FAYSAL ALI IYO AHMED YUSUF YASIN O KALIYA MA MATAL SOMALILAND O DHAN

illahay ayaa mahad leh 
sida qolyaha u dhuun daloola ama indho idheeya siyaasada somaliland gudo iyo dibadba ay markhaatiga ka ahaayeen waxaa aynu la so soconay in laga war sugayay xukuumada iyo inta ay danta dalka iyo dadka wax ka waydiiso o ay ku soo koobtay masuuliyada wayn laba xisbi qaran wa udub iyo ucid e 

waxaynu ka sugaynay xukuumada inay ka qaadato go’aan cad shirka 23/feb lagu qaban doono casimada cariga ingiriiska e london kas o lagaga hadli doono dano u gaar ah hogaamiye koxeedada ay ka dhaqaaqi wayday dawlada ku meel gaadhka ah e somalia shariifna hogaanka u yahay

carqalad wayn ayay ku noqdeen hogaamiye koxeedadu dawlada la wada tageersanyay sida aw calamku u dhanyay e shariif si kasta iyo dano kasta ha lo tageero ee sidaas awgeed waxa la iskugu yeedhay magalada london shir loogu arimin dono qolodas aynu so sheegnay

shirkas o dawlada somaliland lagu marti qaaday o looga yeeedhay si ay uga qayb gasho hogaamiye koxeedada 

hadaba dawlada somaliland waxa looga fadhiyay go’aan cad o geesinimo leh inay ka qaadato shirkaas arinba waxa aw inoogu jooogay silanyo o leh waxan la shiraya labada xusbi qaran udub iyo ucid

waxaan markhaati ka ahayn malinti dhawayd e wax laga waydiinayay arimahan ku saaabsan shirka london gudoomiyaha xisbga qaran ee ucid eng faysal cali warabe waxa aw ka dhawaajiyay in aanu  wax dan ah u lahayn shirkaasi london lagu qaban doona somaliland isagoo ku tilmaamay in aw gaar u yahay shirkaasi hogaamiye kooxedada koonfur isku haysta o kaliya 

ku darso waxa isna wax laga waydiiyay gudoomiyaha xusbiga udub mudane ahmed yuusuf yasiin isaguna war cadaan ah oon leexleexasho lahayn ayuu ku sheegay in shirkaas tagitaankiisu aanu wax rajo ah u soo sidin somaliland hadii ay tagto somaliland ay la mid noqon doonto alshabaab iyo mamul goboleedada somalia isku haysta

hadaba akhristayal maxaa sababay is badalka siyasadeed ee farqigas wayni u dhexeeyo in aw isku badalo mudo kooban oo weekna ka yar ?

se markee ayay qaldanayen markay marna inagu qancinayeen in aaynaan ka qayb galin mantana ay inagu qancinaya waa xalaal in laga qayb gala ?

halkee ayay wax iska badaleen ma odhan karna in ay labada xusbi qaran iyo silanyoba heshiis qarsoodi ah oo aan dan iyo rajo toona u lahayn somaliland ayaa u dhexeeya

ma odhan karna saami qaybsi ayay ku jiraan sadexdan nin ee somalailand mustaqbalkeedi ka taliyay

ta kale somaliland waxay leedahay culimo aqoonyahano ururo bulsho ayaa jira sababta talada dalka ay go’aan uga gaadhi karaan sadex nin o kaliya o isku so xidhay qol maxay ahayd ?

anigu runti ma aaminsani in meeshas khay inooga so jeedo ta kale ma aaminsani sadexda siyasi toona iyo halka ay ino jihaynayan iyo waxay ku tashadeen toona 

nama matalaan faysal cali warebe iyo ahmed yusuf yasiin o kaliya in wax laga waydiiyo mustaqbalka dadka dalka iyo qaranka toona

alaa mahad leh
yahye abdilahi askar
yaxyem@hotmail.com

Comments are closed