|

Duyuurad nooca dhulka laga hago oo Muqdisho ku soo dhacday

Muqdisho Feb 03,2012(qurbejoog.com)-Duyuurad aaney cidi wadin oo ah nooca dhulka laga hago oo aan la garan cida leh ayaa maanta ku soo dhacday mid ka mida xeryaha qaxootiga ee ku yaal caasimada dalka Soomaaliya.

Duyuuradaha noocana ayaa hore waxa u isticmaalay dalka Mareykanka mar uu weeraro ku qaaday dhawr jeer kooxaha uu bartilmaansado ee xagjirka u soo jihaadka tegay Soomaaliya.

Duyuuradan oo ku dhacday xerada Badbaado ayaa qoxootiga halkaa ku nool iyo ciidamaba ay daawanayeen kolkeey ku dhacday mid ka mida aqalada looxaanta ka sameysan ee halkaa ku yaal.

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dadka xerada barakacayaasha ku nool waxa halkaa gaadhay ciidamada AMISOM oo burburkii Duyuurada halkaa ka qaatay.

Ma aha markii u horeysay ee duyuuradaha noocani ahi ay ku soo dhacaan caasimada Muqdisho,mid kale ayaa Muqdisho ku soo dhcaday sanadkii hore.

Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed