|

Dibedbaxyo Rabshado wata oo dib uga soo cusboonaaday Qaahira

Qahira Feb 03,2012(qurbejoog.com)-Dalka Masar ayaa isku soo baxayaashii xilka ka tuuray madaxweyne Mubaarik dib ugu soo noqdeen beerta Taxriir si culeys ay ugu saaraan ciidamada talada xejistay ee dalkaasi.

Isku soo baxayaasha ayaa cadho weyn ka muujiyay sida ciidamada amnigu u daawadeen xasuuq dhawaan ka dhacay magaalada Port Saciid oo lagu laayay ilaa 80 qof oo ka mid ahaa daawadeyaal ciyaar kubada cagta ah.

Dadka reer Qaahira ayaa qaba in ogaan dadkaa loo laayay bacdamaa ay taageereyaasha kooxda Al Ahli ay hormuud ka ahaayeen isbedelkii dalkaa ka dhacay,halka reer port Saciid ay ahaayeen taageereyaal madaxweyne Mubarik.

Xukuumada ayaa gebi kala dirtay guddidii ciyaaraha dalkaas maamuleysay,balse reer Qaahira ayaa dalbanaya in masuuliyadu saareyd madaxda dalkaa iminkana loo baahan yahay in xilka ay shacabka ku wareejiyaan talada dalkaasi.

Xisbiga Akhwaanka oo taageerada ugu balaadhan helay doorashooyinka Baarlamaanka ayaa qudhiisa qaba in talada shacabka lagu soo wareejiyo.

 

Qurbejoog-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed