Kulan Xalay fiidkii ka dhacay Madaxtooyada Somaliland oo axsaabta dalku iskula qaadatay ka qeybgalka shirka London
Hargeysa Feb 03,2012(qurbejoog.com)-Waxa xarunta Madaxtooyada ee Somaliland shalay la isgu gabal dhacsaday kulan saacado qaatay oo sadexda xisbi Qaran ee Kulmiye UDUB iyo UCID ka yeesheen shirka Somaliland lagu casuumay ee bishan dhamaadkeda ka dhacaya London.
Sadexda xisbi Qaran ayaa kulan hore u dhacay ku dalbaday in loo kala cadeeyo doorka Somaliland ee shirka Soomaalida ee Britain martigelineyso.
Kulankii shalay ayay xukuumadu ku soo bandhigtay jawaabo ay Britain ka bixisay welwelka reer Somaliland ee ku wejahan Shirka London.
Xukuumada ayaa madaxda sadexda Xisbi la wadaagay in Shirka aaney uga qeybgeli doonin sida maamulada kala gedisan ee hoos taga DFKMG ah,balse ay aag u gaadha fadhiisan doonaan.
Sidoo kale waxa Xukuumadu ay sheegtay in fursad loo siiyay in madasha ay ka jeediso khudbad ay uga hadleyso qadiyada Somaliland.
Xukuumada ayaa sidoo kale u sheegtay mucaaridka in ay shirka ka qeybgalsiisa ay u igman doonto xubno isku dhufan oo axsaabta iyo golleyaasha kala dduwan ka kala socda.
Sidoo kale waxa kulankii madaxtooyada Somaliland ka dhacay la iskula qaatay in si wada jir ah ay dhinacyada siyaasadu uga qeyb qaataan qoraalka shirka lalal tagayo ee dunida loogu sheegayo qadiyada Somaliland.
Kulankii maanta ayaa waxa Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo,Madaxweyne ku-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici,wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Xaai Xasan,dhanka madaxda xisbiyada waxa kulankan ka qeybgalay Guddomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Afhayeenka Md Maxamed Kaahin,Xisbiga UDUB waxa ka joogay Guddoomiye ku-xigeenka xisbigaa Md Axmed Yusuf Yaasiin oo uu weheliyo Md Cabdi Malow,halka xisbiga UCID uu guddoomiye Faysal Cali Xuseen ku metelayay.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com