|

Mucaaridka Jabuuti oo Qurbaha uga dhawaaqay dalad kulmisay mucaarid kala duwan

Paris Feb 03,2012(qurbejoog.com)-Mucaaridka Jabuuti ee Qurbejoog ah ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay aasaaseen dalad cusub oo dardar gelin doonta dedaalka loogu jiro sidii Jamhuuriyada Jabuuti loogu soo dabaali lahaa isbedel dhab ah oo u horseeda ummada nidaam dimuqraadiyadeed.

Dalan cusub ayaa waxa ku bahoobay ururo syaasadeed oo hore loo yiqiinay iyo ashqaas ay ka goan tahay in dalka isbedel la gaadhsiiyo.

Qodobo dhawr ah oo muhiima ayaa lagu xusay Qoraalkan ka soo baxay dhinacyadan siyaasadeed waxaana ka mid ah;

1) Dhisida nidaan sharciyeed iyo mid Dimuqraadiyadeed oo kala hagaya awoodaha dawladeed iyo siyaasad ku dhisan ka qeybqaadasho.

2) in la ixtiraamo xoriyada asaasiga ah sida isabaabulka,saxaafada iyo dibedbaxyada

3) abuurida qorshe ganacsi iyo mid dhaqaale oo haga noocyada kala duwan ee ganacsi oo dhex u ah dhamaan degaanada dalka.

4) Siyaasad arrimo dibadeed oo ay hageyso
-Danaha Dalka
-wadashaqeyn dalalka gobolka iyo kuwa Qaarada

5)-Dhisida dawlad wadaa ah oo dalku yeesho, oo ka shqeysa
-dhamaan hawlaha siyaasadeed,kuwa bulsho,Amni iyo dib u dhiska
-dib u habeynta nidaamka doorashooyinka,abuurida guddi doorasho oo dalka u qabta doorashooyin xor ah.

Daladan cusub ee lagu dhawaaqay oo loo bixiyay Coordination nationale pour la démocratie à Djibouti (CNDD) ayaa waxa ku midoobay Xisbiga MRD ee uu hogaamiyo Daahir Axmed Farax Jabhada FRUD oo uu u sexeexay Maxamed Kadamy Yusuf iyo siyaasiga Maxamed Muse Caynanshe.

Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed