|

Safiir ku-xigeenka Britain ee Adis Ababa oo dalka ku soo fool leh,maxay tahay sababtu

Hargeysa Feb 01,2012(qurbejoog.com)-Safiir ku-xigeenka Britain ee dalka Itoobiya Mr. Chris Allan ayaa maanta ku soo fool leh magaalada Hargeysa oo lagu wado in uu wada hadalo la yeesho madaxda sare ee dalka.

Safiir ku- xigeenka ayaa lagu wadaa in uu Somaliland si rasmi ah u soo gaadhsiiyo waraaqaha casuumada ah ee shirka Britain dhawaantaugu qabaneyso Soomaalida magaalada London.

Shirkaa ayaa dawlada Britain culeys ku saareysaa Somaliland si madaxdeedu uga qeybgasho si xal waara loogu helo amuraha siyasadeed ee mudada dheer murugsanaa.

Shirkan ayaa dareen ay fidno ka dhalan karto ku abuuray reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba.

Somaliland ayaa xukuumadeeda cusubi waxa ay dhawr jeer oo hore si yool baadha uga qeybgashay shirar soomaalida loogu qabtay goobo kala duwan.

Shirarkaa ayaaney ka dhalan wax dhibaato ah oo ka waabiya shirarka kale iyo in si toos ah wax looga bedelo siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland.

Sababta shirarkaa hore looga qeybgalay ayay xeeldheereyaal faro badani ku micneeyeen in dhabaha loogu soo xaadhayay sidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo shirka London uga qeybgeli lahaa.

Xukuumada ayaase isbedel ku wejahan ka qeybgalaka shirka uu soo wejahay kolkii ay u soo baxdey in meeqaam hoose oo la mid ah ka gobolada kale lagu casuumay,taas oo keentay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo candhuuftiisa dib u liqo.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed