Turkiga oo 400 oo ardey Soomaali ah ugu deeqay waxbarasho
Istanbul Feb 01,2012(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Turkiga ayaa mar kale deeq waxbarasho u fidisay ardayda Soomaaliyeed ee baahida weyn u qaba waxbarasho noloshooda wax ka bedeli karta.
Heyada culuunta Diinta ee TDV ayaa dalka Turkiga waxbarasho u geyn doonta ilaa 400 oo arday oo ay dhawaan imtixaano ka qaaday.
Ardeydan oo dalka Turkiga tegi doona todobaadka soo socda ayaa baran doona culuunta Islaamka si markaa ay gacan u siiyaan heyadaha garsoorka dalka.
Ardaydan oo 100 ka mid ahi ay hablo yihiin ayaa lakala geyndoona mid ka mid ah dugsiyada sare ee dalkaasi halka intooda kale ay tegi doonaan Jaamacada Ondukuz Mayis.
Turkiga ayaa shacakooda ka ururiyay 538.2 million oo lacagta Turkiga ah(TL) si gacan loogu fidiyo Soomaalida ku yabaaleysan geska Africa.
Qurbejoog-Istanbul