Dawlada labada Shariif oo shaki ka muujiyay shirka London iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo looga taag la’yahay
Hargeysa Jan 25,2012(qurbejoog.com)-Dawlada KMG ah ee Soomaliya,urur goboleedka IGAD,baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa ku dawakhsan ujeedada dhabta ah ee shirka London lagu wado in Soomaalida loogu qabto dabayaaqada bisha soo socota.
Tuhunada ayaa laba nuuc ah,midi waa sida ku soo boodka ah ee dawlada Britain mar uun ugu dhawaaqday in ay shir u qabaneyso Soomaalida.
Tuhunka kalena waxa uu ku saleysan yahay sida indho la’aanta ah ee shirka qodobadiisa loo diyaariyay.
Waxa in dhawaalaba socday wax loogu yeedhay talo ururin lagu lafo gurayo qodobada looga doodi doono shirka.
Waxaana loo batay in awood qeybsiga oo inta badan ah waxa Somalidu isweydiiso in lagu saleeyo 18kii Gobol ee Kacaanku Jamhuuriyadii uga tagay.
Arintan ayaa si gaadha dareen ugu dhalisay bacdamaa in dhawaalana la arkayay maamul goboleedyo sheeganaya degaanada qaar.
Balse ta ugu si yaabka badan ee waxaas oo idil isku fuuqsaneysa ayaa ah tiyoo cid waliba ay tuhun qabto ayaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo uu yahay ruuxa qudha ee rajada wanaagsan ka muujiyay natiijo shirkaa ka soo baxda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa qaatay kuna adkeystay ka qeybgalka shirka iyada oo dad badan oo miisaan siyaasadeed dalka ku lihi ay arintaa dareen cadho leh ka muujiyeen.
Goaanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ka qeybgalka shirka ayaa xeel dheereyaal fara badani qabaan in ay salka ku heyso heshiisyo hosaadyo uu madaxweynuhu galay intii uu mucaaridka ahaa.
Heshiisyadaa ayaa u sahlay in uu xilka si fudud ku yimaado iyadoo dhabaha siyasadeed ee dalkana qodxaha ay uga gureen dad shisheeye u badan oo hore u waayay daaqad ay siyaasada Soamaliland ka soo galaan.
Qurbejoog-Hargeysa