|

Dalalka Carbta oo mid mid ugala baxaya kormeereyaashooda dalka Syria

Dimishiq Jan 24,2012(qurbejoog.com)-Kormeereyaashii carabta ee dalka Syria mudaba u joogay sidii ay u hubin lahaayeen heshiis nabadeed oo u dhexeeyay dawlada dalkaasi iyo mucaaridka oo iminka mudo sanad ku dhaw iska horimaadyo isaga hor imanayay ayaa dalalkoodu dib ugu yeeranayaan.

Mucaaridka Syria ayaa hore ugu eedeeyay in aaney qaban hawshii loo igmaday e aheyd in ay hubiyaan oo ay xaqiijiyaan xasuuqa ciidamda dawladu ugeysaneyso dadka dibedbaxayaasha ah ee isbedelka dalbanaya.

Dalalka Khaliijka iyo qaar kale oo fara badan ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay kormeereyaashooda kala baxaan dalka Syria iyada oo dalka Al Jeriya uu ahaa ka u horeeyay ee tilaabadaa ku dhiirada dhawr maalmood ka hor.

Dawlada Syria ayaa dawaladeed isku difaacday in ay jiraan dalal khalkhalka siyaasadeed ee dalkooda ka jira ka faaiideysanaya.

Waana dalalkaa ayay yidhaahdeen kuwa dabada ka riixaya in xaalada dalku ka sii darto oo ay isu rogto dagaal sokeeye.

Dalalka Jaamacada Carabta qaar ka mida ayaa qaba in Gollaha Amaanka ee QM loo gudbiyo xaalada dalka Syria si markaa loo qaado tilaabo ku haboon xukuumada caadeysatay leynta shacabkeeda.

QM ayaa hore u shaacisay in dadka ilaa iyo haatan ku dhintay colaada Syria in ay kor u dhaafeen 5000 oo ruux,isla markaana tiraba dhawr jeer ugu baaqay xukuumada in ay joojiso leynta shacabka.

Qurbejoog-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed