|

Hadii uu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iscasilo maxay tahay talaabada xigta?

Hargeysa Jan 24,2012(qurbejoog.com)-Madaxweyne ku-geenka Somaliland Md Cabdraxmaan Saylici ayaa ka dib khilaaf soo shaacbaxay oo u dhexeya isaga iyo qaar ka mid ah wasiirada heysta dhegta madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ku goodiyay in uu iscasilayo hadii aan wasiiradaa xilka laga qaadin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo aya ilaa iyo haatan u muuqda in uu la safan yahay wasiiradan oo ku-xigeenkiisa uun aaney ka caban ee noqdey far faraha kale ka dheer oo xayuubsaday masuuliyadii madaxweynaha.

Hadaba muxuu qabaa dastuurka dalku hadii uu Md Saylici iscasilo? ma xukuumada oo dhan ayaa dheceysa,madaxweynaha qudhiisa dhacaya mise doorasho ayaa dib loo gelayaa

Waa qaar ka mida suaalaha ay reer Somaliland la daalaa dhacayaan intan danbe ee khilaafku soo shaac baxay.

Madaxweyne ku-xigeen iscala weli kama ay dhicin lagumana arag saaxada siyaasada dalka balse tixraaca taariikheed iyo dastuurka Somalilandba waxa ay muujinayaan in madaxweynuhu ku-xigeen ka soo xulan karo aqalka baarlamaanka Somaliland.

Talaabadan oo kale waxa madaxweyne Daahir Rayale uu qaatay ka dib kolkii uu buuxiyay xilkii madaxweynenimo ee uu ka geeriooday Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal.

Reer Somaliland in badan oo ka mid ah ayaa rajeynaya in aanan halkaa la isla gaadhin oo sida cadada aheydba arinka wadahadal lagu xaliyo.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed