|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Hargeysa ka furay aqoon isweydaarsi la xidhiidha ka hortaga cudurka AIDSka

Hargeysa 24,2012(qurbejoog.com)-Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelita Faysal Cali sheekh ayaa Hotel Maansoor uga furay qaar ka mida ururada Bulshada Somaliland aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo ka hortaga cudurka dilaaga ah ee AIDSka.

Aqoon isweydaarsiga ayaa socon doona mudo shan maalmood ah waxa ka qeyb qaadanaya xubno ka tirsan ururada Bulshada ee Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo hawlwadeenada wasaarada warfaafinta ee Somaliland.

Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban qaabisay heada UNDP ayaa diirada lagu saari doonaa doorka ay warbaahintu ku leedahay wacyi gelinta  bulshada iyo ka hortaga faafida cudurka dilaaga ah ee AIDS.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo furitaanka aqoon isweydaarsiga ka hadlaya ayaa ku dheeraaday wada shaqeynta ka dhexeysa UNDPiyo heyadaha kale ee gacanta ka geysta wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale wasiirku waxa uu ku dheeraday iftiiminta khatarta cudurkani uu ku hayo bulshada iyo baahida loo qabo in la dardar geliyo wacyi gelin ku wajahan ka hortaga faafa cudurka.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay masuul ka socday guddiada qaran ee ladagaalanka cudurka AIDSka oo isna soo bandhigay xogo la xidhiidha baaritaano ugu danbeeyay ee ay ku sameeyaan baahida cudurkan oo muujineysa hoos u dhacyo yididiilo leh.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed