|

Burcad-badeedii ugu faraha badneyd oo lagu Maxkamadeynayo dalka Hindiya

Mumbai Jan 24,2012(qurbejoog.com)-Burcad-badeed Soomali ah oo tiradooda lagu sheegay 120 ayaa lagu maxkamadeynayaa dalka Hindiya ka dib kolkii lagu soo qabqabtay hawgalo kala duwan oo ay qaadeen ciidamada dalkaas ee ku sugan badaha geeska Africa.

Buracdan oo lagu soo eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlgalo hubeysan oo ay ku qaadeen maraakiib laga leeyahay dalka Hindiya.

Burcadan oo dhawaan la geeyay maxkamad ku taal magaalada Mumbai ayaa lagu qaaday ilaa lix gaadhi ka dibna gawaarida lagu hayay mudo ka dib kolkii maxkamadu sheegtay in imaatinkooda aaney dalban.

Soomaalida ayaa kolka laga yimaado maraakiibta iyo iyo muwaadiniinta u dhashay Hindiya ee ay qafaasheen waxa laga furfuray ilaa 70 ruux oo ay afduubteen oo u kala dhashay dalalka Thailand, Philippines, Bangladesh, Iran, Turkey, Myanmar iyo Pakistan.

Qurbejoog-Mumbai
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed