|

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo horumarinta Miyiga ee Somaliland oo safar shaqo ku jooga degmada Dhahar

Hargeysa Jan 24,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Md Maxamuud Saciid Gacameey iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga degmada Dhahar ee gobolka Badhan.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dhahar waxa uu kulamo la xidhiidha adkeynta nebedgelyada la qaatay madaxdhaqameedka iyo qeybaha bulshada Dhahar.

Wasiirka ayaa safarkooda eegaas uga sii gudbay tuulada Buse oo 20 km u jirta magaalada Dhahar ee gobolka Badhan isaga oo halkaana xalay u hoyday.

Safarka wasiirka wasaarada Degaanka iyo Horumarinta Miyiga ee Somaliland ayaa waxa uu qeyb ka yahay safro dalka goboladiisa kala gedisan ay ku marayaan tiro wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Qurbejoog-Dhahar
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed