Waan waantii Madaxtooyada oo burburtay iyo Saylici oo goaan adag soo wejahay
Hargeysa Jan 23,2012(qurbejoog.com)-Waan waan maanta lagu dhexdhexaadinayay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan ka dib kolkii Madaxweyne Siilaanyo ka garbixi waayay qodabadii Saylici la shir yimi.
Dhexdhexaadinta maanta ayaa waxa ka qeybqaatay shirgudoonka wakiilada Cabdiraxmaan Ciro iyo Cabdicasiis Samaale,sidoo kale waxa kulankii madaxtooyada ee maanta waxa goobjoog ku ahaa Guddomiyaha Xisbiga talada dalka haya Muuse Bixi Cabdi.
Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa laga soo xigtay in ay dhici karto in madaxweyne ku-xigeenku xilka isaga tago oo uu Boorama qabto maalmaha soo socda.
Cabashooyinka uu maanta soo bandigay Masuulkan la doortay ayaa u badan qaar la xidhiidha la tashi la’aan iyo tixgelin ‘aan ka imaneysa inta badan ku-xeeedhaneyasha madaxweynaha.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ku adkeystay in isaga iyo Xirsi mid u hadhayo madaxtooyada,goaankaas oo ku adkaaday madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidaisporanews.com