|

Wafdi ka socda xukuumada Somaliland oo booqanaya Bariga Sanaag

Badhan Jan 23,2012(qurbejoog.com)-Wefdi wasiiro ah oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa beryahanba booqasho ku gaalaa baxayay degaanada bariga gobolka Sanaag oo ay mashaariic horumarineed halkaa dhagax dhigay.

Wefdiga ayaa maanta dhagax dhigay Dhisme Cusbitaal isla markaana qodaal ku bilaabay ceel biyood laga hirgelinayo magaalada Badhan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa oo ka waramay madashii dhagaxdhiga ayaa madax dhaqameedka degaanka iyo shacabkaba sida ay gacanta uga geysteen hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Suldaanka guud ee beesha bariga Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Cali Shire oo isna hadal ka jeediyay munasibada dhagax dhigida ayaa xukuumada Somaliland uga mahadceliyay hirgelinta mashaariicda.

Suldaanka ayaa sidoo kale ku booriyay wefdiga wasiirada oo ahaa qaar ka soo jeeda degaanka in ay ka hawlgalaan sidii mashaariic dheeri ah loo geyn lahaa degaanadaasi.

Waa markii u horeysay mudo dheer in degaanadaasi ay gaadhaan wefdi baaxadan leh oo isla markaana ka hirgeliya mashaariic wax ku oola oo shacabkuna soo dhaweeyo.

Qurbejoog-Badhan

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed