|

Awood maroorsiga Xirsi iyo waxa ay Somaliland dhaxal siin karto

Hargeysa Jan 23,2012(qurbejoog.com)-Waxa intii ka danbeysay isbedelkii siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay soo ifbaxay cida awooda dalka ugu sareysa iyo odhaahda u danbeysa eemadaxtooyada leh.

Xirsi Xaaji Xasan wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay si badheedha u cadeystay la wareegid dhamaanba awoodihii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Dhacdooyinkii ugu yaabka badanaa ayaa waxa ay ahaayeen qaar dhacay todobaadkii ina dhaafay ka dib kolkii uu Xirsi fariin u diray xubnaha Xukuumada uga jira beel ka mid ah beelaha Somaliland oo uu ugu yeedhay madaxtooyada kiyoo u sheegay in madaxweynuhu doonayo.

Kolkii la isku yimi ayaa Xirsi fadhiistay kursigii madaxweynaha oo wasiiradii ku yidhi waxaan doonayaa in aan ogaado mawqifkiina ku wejahan xaalada cakiran ee dalka.

Wasiiradii ayaa mid ka mid ihi inta uu cadhooday kacay ku yidhi waaar kaagan yadhi maxaa ka si ah?

Wasiradii kale ayaa yidhi inaga daa aani bal eegno waxa uu naga doonayo,kolkii xirsi hadalka dhameystayna waa ay isaga dareereen.

Khilaafka u dhexeeya madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeynkiisa ayaa waxa uu isna ka dhashay Md Xirsi oo damcay in masuul ay shacabku doorteen in uu awoodiisa maroorsado.

Madaxwene Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa iminka ku adkeysanaya in isaga ama Xirsi mid kood xukuumada u haro.

Habdhaqanka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo tiro kale oo ku xeedhan madaxweynaha Somaliland ayaa keeni kara burbur baaxad leh oo ku yimaada nidaamka dawladeed ee haatanba dhutiyaya iyo halis ka dhalata kala taga shacabka reer Somaliland.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed