Axsaabta Islaamiga ah ee dalka Masar oo helay tirada xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka
Qahira 22,2012(qurbejoog.com)-Doorashooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay dalka Masar ee sida xorta ah loogu tartamayay kuraasida aqalka baarlamaanka ee dalkaa markii u horeysay ebid ayaa waxa guulo ka soo hooyay kooxaha Islamiyiinta dalkaasi.
Kooxda Akwaanka oo urur siyaasadeed ahaan looga mamnuucay dalka Masar ayaa helay kuraasida u badan ee baarlamaanka dalkaasi.
Halka ururka kale ee isna Islaamiga ah ee Selefiyiintu uu qudhiisu helay tiro kuraas ah oo aan sidaa uga hooseyn kuwa Ikhwaanka.
Labadan xisbi ee Islamiyiinta dalka Masar ayaa helay sadex meelood oo laba meelood kuraasida baarlamaanka dalka Masar.
Taasi micneheeduse ma aha in ay iyagu soo dhisayaan xukuumada dalkaas ee waa in kolka hore la doortaa madaxweyne oo ay xilkana wareejiyaan ciidamada dalkaasi ee awooda oo idil iminka ku keliyeystay.
Qurbejoog-Qahira
contact@somalidiasporanews.com