Muxuu salka ku hayaa khilaafka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo xubnaha wasiirada ah ee heysta dhegta madaxweyne Siilaanyo?
Hargeysa Jan 21,2012(qurbejoog.com)-Waxa dhawaan soo shaacbaxday in madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici uu ka biyo diiday habdhaqanka xubno ka tirsan gollaha wasiirada ee Somaliland ee heysta dhegta madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxwene ku-xigeenka Somaliland ayaa in muda ahba dulqaad ku wejahayay habdhaqanka wasiirada Madaxtooyada iyo arrimaha dibedda oo lidi ku ahaa hanaanka dawladnimo oo ay ugu tunteen si badheedha.
Kualn Madaxtooyada ka dhacay todobaadkan oo ay yeesheen madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa iyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Xaaji Xasan iyo wasiirka arrimaha dibedda Md Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaana lagu soo qaaday heyada Qurbejooga Somaliland ee uu madaxa u yahay Md Salebaan Maxamed Faarax ka dibna waxa labada wasiir u sheegeen madaxweyne Axmed Siilaanyo in heyadaa kal hore la kala diray.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa dabadeeto madaxweyne Siilaanyo u sheegay in arrinkaasi aanu waxba ka jirin oo heyadu sidii loogu talo galay ay u shaqeeyso isla markaana ku waaniyay labada wasiir in ay ka waantoobaan marin habaabinta madaxweynaha.
Halkaa kolkuu xaal marayo ayaa waxa madaxtooyada soo gaadhay afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Cukuse oo isna taageeray hadalkii labada wasiir ee aan salka laheyn.
Wasiirada Madaxtooyada iyo arrimaha dibedda ayaa ku hungoobay in masuulka madaxda ka ah heyada qurbejooga Somaliland in ay u isticmaalaan hab lidi ku ah hanaanka dawladeed oo shaqsiyadedsan taas oo uu ka dhego adeygay madaxa heyadaasi,sidoo kale waxa ay labadan masuul ka hinaaseen sida uu madaxa heyada qurbejoogu xidhiidhka ula leeyahay madaxweyne ku-xigenka oo ay tahay sharciyan in uu warbixinadiisa u guddbiyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxman Saylici ayaan ka xaadirin kulankii Khamiista ee gollaha wasiirada iyo kulan madaxtooyada ka dhacay oo u dhexeeyay axsaabta Qaranka iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Waxaana iminka socda dhexdhexaadin ay wadaan shirguddoonka gollaha wakiilada iyo waxgarad kale oo reer Somaliland ah isla markaana damacsan in ka garaabaya habacsanaanta hogaameed ee dalka ka jira mudadan xaadirka ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo mudadii gaabneyd ee uu xilka hayay ku kasbaday shacbiyad faaro badan daacadnimadiisa iyo isku heynta shacbiweynaha Somaliland ayaa iminka iska soo taagay in uu xilka uu Qaranka u hayo ee dastuuriga isu daba taago ashqaas aaney cidi dooran.
Somaliland ayaa marxaladaha ay iminka ku jirto ee xasaasiga ahi waxa ay salka ku hayaan degdega iyo damac xumida labadan masuul ee iyagu heysta dhegta madaxweynaha.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com