Hoos u dhac ku yimi weeraradii Burcad badeeda caalamka iyo Soomaalida oo khatartoodi sii siyaaday
Kuala Lumbur Jan 20,2012(qurbejoog.com)-Weerarada ka dhaca Baddaha caalamka ayaa sanadkii ina dhaafay mudo shan sanadooda hoos u dhacay halaka khatarata Burcad badeeda Soomaalidu ay kor u kacday,sidaana waxa sheegay heyad dusha kala socota hawlaha badmaaxyada.
Heyadan oo la yidhaahdo International Maritime Bureau ayaa sheegtay in sanadkii hore ay badaha ka dheceen uun 439 weerara halaka sanadii 2010kii la geystay 445 weerar.
Warbixinta IMB oo shalay la shaaciyay ayaa tibaaxday in sanadii 2010kii la qafaashay 45 markab iyo 802 shaqaale oo la socday,halka sanadii 2011kii la qafaashay 53 markab iyo 1,181 oo ruuxna la afduubtay.
Weeraradan ayaa boqolkiiba 54 waxa geysatay Burcad Badeed Soomaali ah,taas oo ka dhigan in Soomaalidu geysatay 237 oo ka sareysa weeraradii 2010kii oo ahaa 219.
Warbixintan ayaa u aaneysay hoos u dhaca ku yimi weerarada hawgalada ciidamada huwanta ah ee ku sugan baddaha Soomaalida iyo ciidamada hubeysan ee la socda maraakiibta ganacsi ee mara marin biyoodka geeska Africa.
Warbixinta ayaa sheegtay in Burcada Soomaalida ahi ay markii u horeysay markab ka afduubatay dekeda dalka Cumaan,taas oo muujineysa in Burcadu musalaftay oo meel walba wax ka deyeeyso.
Qurbejoog-Kuala Lumbur
contact@soamalidiasporanews.com