Wasiirka cadaalada Somaliland oo goaamo shaqo ka eris iyo magaacaabid isugu jira soo saaray
Hargeysa Jan 19,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo saaray goaan fulineed uu ku shaaciyay shaqo ka eri isku bedelaad iyo magaacaabid uu ku sameeyay qaar ka mid ah garsooreyaal ay goaamiyeen guddida cadaalada dalka.
Qoraalkan la shaaciyaya ayaa lagu sheegay in wasaaradu tiyoo coskaneysa qodobka 106aad ee dastuurka dalka farqadiisa Koobaad oo qeexaya in wasaaradu u xilsaaran tahay fulinta gooamada guddida cadaalada oo goaamisay isku shaandheyn saameysay 12 garsooreyaal.
Goaanka guddida Garsoorka ayaa ahaa shaqo ka eryid ay ku sameysay Garsoore Nuur Maxamed Ducaale oo ahaa Garsooraha maxkamada degmada Boorama.
Qodob kale oo gudidu soo saartay ayaa ahaa bedel Garsoore ayaa Garsoore Sheekh muuse cukaashe Rayaale waxa laga bedelay gudomiyaha maxkamada Lughaya waxaana loo bedelay Boorama.
Keyse Cali Idiris waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa.
Cabdiraxmaan maxamed mowliid waxa loo magacaaba garsooraha maxkamada degmada Hargeysa.
Mustafe cabdi Cali Ducaale waxaa loo magacaabay garsooraha maxkamada gobolka Saaxil.
Maxamed Axmed Faarax waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmada Berbera.
Cabdiraxmaan Xuseen Ceynaane waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada gobolka Awdal.
Sheekh Axmed Bilaal waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmada Lughaya.
Cali Sheekh Cali Cabdilahi Kaahin waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmada Burco.
Sheekh cabdi Xasan waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmada Oodweyne.
Maxamed Xaaji Faarax Cabdi waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmeda Ceynaba.
Jaamac Maxamed Ibrahim waxa loo magacaabay garsooraha maxkamada degmada Baligubedle.
Gooamadan ay soo saareen guddida cadaalada ee dalka ee isla markaana ay fulinteeda ku dhawaaqday wasaarada cadaalada iyo garsoorka Somaliland ayaa ah kuwii u balaarnaa ee noocooda ah ee xukuumada Kulmie soo bandhigto.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com