Wasiirka Hawlaha guud oo deeq gargaar ah gaadhsiiyay degaanka Saameel
Saameel Jan 19.2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud,guriyeenta iyo gaadiidka Md Ismaciil Muumin Aare oo ay weheliyaan masuuliyiin heer gobol iyo degmo iyo xafiiska samafalka Madaxtooyada ayaa deeq gargaar ah gaadhsiiyay qoyasas ila 750 gaadhaya oo ku sugan degaanka Saameel.
Wasiirka oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumada Somaliland heegan u tahay sidii dadka danyarta ah loo gacan qaban lahaa,oo aaney ka caajisi doonin.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in ay qoysaskan saboolka ah u sidaan deeq raashina oo nuucyo kala duwan ahi ay dalka qeybka mid ah soo gaadhsiiyeen uruka Bisha cas ee dalka Iiran halka inta kalena ay xukuumadu dadka ugu yaboohday.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa hadalo ka jeediyay madaxdii wasiirka safarka ku wehelisay iyo dadka degeenka Saameel ee raashinka ka guddoomay masuuliyiinta dawlada.
Qurbejoog-Saameel
contact@somalidiasporanews.com