|

Taliyaha ciidamada Somaliland oo booqanaya Laascaanood kulamana la qaatay madax dhaqameedka degaankaas

Lascanood Jan 18.2012(qurbejoog.com)-Taliyaha ciidamada Somaliland Col. Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif iyo lataliyaha dhanka ciidamada Cabdisamad Xaaji Cabdilaahi iyo taliyaha ciidamada ee aaga bari Col Maxamed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale ayaa booqasho ku jooga magaalada Laascaanood.

Masuuliyiintan ayaa intii ay booqashada ku gudo jireen kulamo kala duwan la qaatay madaxdhaqameedka,waxgaradka iyo dhamaan qeybaha Bulshada ee degmada Laascaanood.

Kulamadan oo diirada lagu saarayay xaaladaha amaan ee gobolka iyo guudahaan degaanada Bariga Somaliland ayaa la iskula soo qaaday sidii loo adkeyna lahaa amniga guud ee Laascaanood.

Taliyaha Ciidamada Somaliland oo kulamaadaa ka hadalay ayaa si gaar ah ugu digay dad uu sheegay in ay degaanadaa iyo dadka nabada jecel ee ku nool kula dhex meereysanayaan fidno.

Madaxdhaqameedka iyo qeybaha kale ee bulshada gobolka Sool ayaa dhankood ku celceliyay muhiimada ay wada noolashada bulshada ehelka ah ee gobolku ka kooban yahay,iyo sidii nabada loo xoojin lahaa.

Taliyaha ciidamada ayaa halkaa uga sii guddbay booqasho uu ku tegay aaga hore ee Ciidamada Somaliland ee heeganka ay uga jiraan ciidamada.

Taliye Jidhif ayaa u kuurgalay xaalada ciidamada iyo amniga aaga hore ee Gambadha oo uu warbixino uga dhegeystay taliyeyaasha halkaa ku sugan.

Booqashada Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa ku soo beegmeysa ka dib kolkii degmada Taleex dhawaan lagu soo gunananday shir ay beelaha gobolka Sool halkaa ku yeesheen oo ay uga dhawaaqeen maamul cusub oo degaanku yeelanayo.

Qurbejoog-Laascaanood
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed