|

Dalxiiseyaal dhawaac iyo dhimashaba ka soo gaadhay weerar ay rag hubeysani ku qaadeen Bariga Itoobiya

Adis Ababa Jan 18,2012(qurbejoog.com)Rag hubeysan oo ilaa haatan aan la sheegin cida ay yihiin ayaa weerar ku qaaday dad dalxiiseyaal ah oo booqanayay Woqooyi Bari Kenya,sida uu shaaciyay Televisionka ETV ee dalka Itoobiya.

Shan ka mid ahaa dadka la weeraray ayaa geeriyooday halka ilaa dhawr kalena lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday shalay dadkan dalxiiseyaasha ahaa.

Ma cada dalalka ay u kala dhasheen dalxiiseyaasha geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ahba,balse waxa la sheegay in ay reer galbeed u badnaayeen.

ETV ayaa sheegay in raga weerarka geeystay ay dhici karto in ay ahaayeen koox jabhada oo degan degaanada Canfarta ee xadka la leh dalka Eritrea.

Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in weerar dalxiiseyaal loogu geystay meel xadka Eritrea ku dhaw.

Dalalka Jarmalka iyo Austria ayaa gooni gooni u sheegay in muwaadiniin dalkooda u dhashay lagu weraray dalka Itoobiya.

Sanadii 2007dii ayay aheyd mar shan ruux oo reer Yurub ah lagu afduubay dalkaItoobiya,dadkaa waa la sii daayay ka dib kolkii madax furasho laga bixiyay.

 

Qurbejoog-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews

Comments are closed