|

Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Gedo

Ceel-cadde Jan 17, 2012(qurbejoog.com)-Dagaalkani oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kuwa Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo ku yaala gobolka Gedo ee Koofurta Soomaailya.

Inta la xaqiijiyay 5-ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10-kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Ciidamada dowladda KMG, Kenya iyo Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la tilmamay in uu dagaalka ka dambeyay kadib markii cutubyo ka tirsan Kooxda Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo ku sugnaa deegaanka Ceel-cadde.

Xaaladda ayaa iminka lasoo warinayaa inay tahay mid dagan islamakaana Ciidamada dowladda KMG iyo Kenya halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo balaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Al Shabaab ayaa marar badan weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamada dowladda KMG iyo Ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi, iyadoo aan la’ogayn sida Militariga Kenya uu ugu hortagayo dagaaladaani ay kala kulman Al Shabaab.

 

Qurbajoog-Gedo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed