Soomaali laga soo bedbaadiyay badda Libiya
Tripoli Jan 14, 2012(qurbejoog.com)-Ciidamada badda ee dalka Libiya ayaa sheegay in maalinmadii Jimcaha ay Soomaali damacsaneyd in ay u tahriibaan Yurub badda kula jabtay dooni ay wateen,ka dibna ay u gurmadeen.
Soomaalida oo tiradooda lagu sheegay 51 ayaa badda u boqoolay xili habeenimo ah balse kolkii ay mudo gaaban badda ku jireen ayaa laash ay wateen ay ciladi soo wejahaday.
Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa deeto dib ugu soo dabaashay xeebta oo ciidamada soo wargeliyay.
Soomaalida damacsanaa in ay badda nasiibkooda ka qaadaan ayaa waxa ku jiray lix haweena oo qaarkood xaamilo yihiin.
Madaxa Amniga ee dawlada Libiya Karim Al-Traki ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen Soomalidan balse aaney garaneyn waxa ay ka yeeli doonaan.
Libiya ayaa in mudo aheydba aheyd goob ay dadka u tahriiba dalalka Yurub ay sii maraan.
QurbejoogTripoli
contact@somalidiasporanews.com