Heyada Tawfiiq ee dhawaanta la dilay masuulkoodii u sareeyay oo sheegtay in ay hawlaha gargaarka sii wadayaan
Galgaduud Jan 14,2012(qurbejoog.com)-Heyada Towfiiq oo dhawaan kooxda AlShabab ay dishay masuulkoodii u sareeyay ayaa maanta sheegay in ay hawsha gargaarka ah ayahalkeeda ka sii wadi doonaan.
Kooxda Ahlu Sunna Wal jamaca ayaa sheegaty in kooxda Shabaabku ay dhawaan ku dileen madaxii Tawfiiq inta u dhexeysa Dhusamareeb iyo Guriceel.
“Cabdikariin Xashi Kadiye iyo darawalkiisa ayaa waxa Shabaabku ay la eegteen gaadhi uu watay gantaal”sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ahlu sunna Sh. Cabdulaahi Sh Abu Yusuf.
Isku duwaha heyada Tawfiiq Cabdulahi Maxamuud Yaardi ayaa wacad ku maray in aaney jiijin doonin hawlaha ay shacabka reer Galgaduud u hayaan.
Dadka degaanka ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab in ay dilkan u geysatay si ay heyadaha Islamiga ah ee ay xidhiidhka la leeyihiin uun ay degaanada uga hawlgalaan.
Dilkan u danbeeyay ayaa waxa uu sawir naxdin leh ka bixinayaa khatarta ku xedhan hawlaha gargaarka ee dalka sida kooban uga socda
Qurbejoog-Galguduud
contact@somalidiasporanews.com